4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Shirkii Wada-tashiga Doorashada Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka Socda Magaalada Muqdisho
/images/2016/Sept/201696636087451055331943Images%20%281%29.jpgArbaco, September 07, 2016 (HOL) — Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu Shir-guddoominayo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke, RW xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale, kulankan oo noqonaya midkii ugu Dambeeyay ee Madasha Madaxda Qaran isugu yimaadaan, Waxaana Shirkaan kaddib si Toos ah loo |Dhaqaaqaayo Hir-gelinta Hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Ugu dambeynt, Shirkan oo aan la ogeyn xilliga rasmi ahaan loosoo gunaanadi doono ayaa haddana waxaa laga sugayaa inay kasoo baxaan war-murtiyeed ay madaxda ka qayb-galay shirkan ka gaaraan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya