4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Xukuumadda Somalia oo markii ugu horreysay ka hadashay Sababta loo Joojiyay Jaadkii Dalka Kenya
Arbaco, September 07, 2016 (HOL) — Dowladda Somalia, ayaa markii ugu Horreysay ka hadashay sababta ay u hakisay Qaadkii ka iman jiray Dalka Kenya, iyadoo Arrintaas sabab uga dhigtay booqashii Guddoomiyaha Gobolka uu Qaadku ka baxo ee Meru, Peter Munya uu dhawaan ku tagay Magaalada Hargeysa.

Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo Wargeyska Daily Naition siiyay wareysi, ayaa sheegay in booqashadii Peter Munya uu Hargeysa ku tahay bishii July ee sannadkan ay sababtay u tahay in dowladda Somalia ay hakiso ganacsigii Qaadka ee uga iman jiray Kenya.

“Waxaa jira inay fara-gelin ku sameeyeen jiritaanka soohdimaha Somalia, Waxay fara-gelin ku sameeyaan sidoo kale Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,” ayuu Danjire Jamaal u sheegay wargeyska.

Sidoo kale, Danjiraha oo sii Hadlayay ayaa yiri. “Tani waxay Abuurtay in Dowladda FS ay Hakiso Qaadkii uga imaan jiray waddanka Kenya, iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada Qaadka ee Gobolka Meru.”

Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa ku dhawaaqday Isniintii lasoo dhaafay inay joojisay Qaadkii ka imaan jiray Kenya, iyadoo Somalia ay tahay suuqa ugu weyn ee Qaadka Kenya loo iib-geeyo.

Dhanka kale, Muqdisho oo ah magaalada uu Qaadka ugu badan uga yimaado Dalka Kenya ayaa waxaan imaan jaad shalay iyo maanta, waxaase suuqyada jaadka Muqdisho qaarkood lagu arkayay Qaad ka yimid Dalka Itoobiya ee loo yaqaanno Hareeriga.

Ugu dambeyn, Bishi July ee Sannadkan 2016-ka, ayuu Peter Munya safray Hargeysa, si uu u Qal-qaaliyo xeerarka ganacsiga ee dhoofinta Jaadka Dalka Kenya, iyadoo dalka Kenya ay bixinayso beddelkeeda nooc ka mid ah Aqoonsiga Somaliland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya