4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Qaad lagu qiyaasay inuu ku kacayo Ksh50 malyan oo ku xayiran Nairobi

Arbaco, Sitember 07, 2016 (HOL)-Qaad qiimihiisa lagu qiyaasay 50m oo shilinka Kenya ah ayaa maalintii labaad ku xayiran garoomada iyo baqaarada qaadka ee Nairobi, caasimada Kenya.

Dhowr diyaaradood oo Muqdisho tagi lahaa ayaa ku xayiran Nairobi kuwaasoo qaadka geyn lahaa caasimada Muqdisho. Arinkaa ayaa waxaa u sabab ah in Isniintii dawlada Soomaaliya ay sheegtay inay amar kusoo rogtay diyaaradaha Kenya ee qaadka oo aysan ogoleyn inay qaad keenaan dalka Soomaaliya ilaa amar dambe.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar sheegaya in dayuurado dhowr ah ay qaad u qaadeen Kismaayo, Gaalkacyo iyo Puntland inkastoo mamnuucidii weli jirto.

Shaqaalaha dhowr shirkadood oo ka shaqeeya qaadka oo Nairobi jooga ayaa sheegay in lagu wargaliyay inaysan shaqada imaan laga soo bilaabo Isniintii ilaa arinka laga xalliyo.

Shirkadaha ayaa khasaare in uu soo gaaray sheegay tan iyo Isniintii markii amarka lasoo rogay.

Isniintii Waziirka Arimaha Hawada iyo Duulimaadyada Rayidka, Cali Axmed Jangali ayaa sheegay in amarkaa ay wazaaradiisu soo rogtay si kumeel gaar ah ilaa amar dambe.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]