4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kasoo Hor-jeestay Shirka maamul u Sameynta Labada Gobol
Arbaco, September 07, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo Maanta Dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne, ayaa kasoo hor-jeestay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe, isagoo dhinaca kale fariin u dirray DF iyo urur gobolleedka IGAD.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo soo hadal qaaday arrinta la xiriirta soo xulista Xildhibaannada Aqalka Sare, ayaa xusay in maamul iyo bulsho intaba uga danbeyn doonaan sida hadalka uu u dhigay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya