4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Madaxweynaha Somalia oo Go'aanno kasoo saaray Hab-raaca Hawlaha Dowladda ee xilliga Doorashada
Arbaco, September 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada toddobaadyada soo socda ka billaabanaysa Soomaaliya.

Wareegtadan ayaa quseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Cusub iyo Doorashada Madaxweynaha.

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dalka, Madaxweynuhu waa ilaaliyaha midnimada iyo shuruucda waddanka, sidaa darteed iyadoo taasi la eegayo, isla markaana uu Madaxweynuhu tixgelinayo go’aankii Madasha Hoggaanka Qarankaee 9-kii bishii August, 2016 ayaa waxaa uu soo saaray awaamiirta soo socota:

1. Laga billaabo maalinta ay taariikhda ku beegan tahay 5-ta September, 2016, iyadoo hawl maalmeedka dowladda ee ah u adeegidda shacabka sidii caadiga ahayd loo wadayo, ayaa haddana waxaa la joojiyay:

(a) Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida.

(b) Lama bedeli karo qaab dhismeedka hadda jira ee hay’adaha dowladda oo dhan.

(c) Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016-ka, marka laga reebo kharajka boqolkiiba afartan ah (40%) oo dowladda kaga soo aaday kabista dhaqaalaha Doorashooyinka iyo kharashka kale ee lagama maarmaan loo arko in hab-sami u socodka hawlaha dowladda ay u muhiim u yihiin.

(d) Lama geli karo heshiisyo iyo qandaraasyo cusub oo aan ka ahayn kuwii horay u socday. Sidoo kale lama geli karo ballanqaadyo kharash la xiriira.

2. Awaamiirtan ma khuseyn doonto hawlaha ay fulintooda socdeen intii ka horeysay 05/09/2016 (Shanta September).

3. Awaamiirtan waxay socon doontaa ilaa 5-ta November 2016-ka.

4. Waxaa dhammaan hay’adaha fulinta ee dowladda ee wareegtadan loo gudbiyay la farayaa inay awaamiirtan dhaqan-geliyaaan, iyagoo tixgelinaya marxaladda lagu jiro iyo hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyn, Bishan ayaa lagu wadaa inay qaybaha hore ee doorashada si Rasmi ah uga billowdaan Somalia, iyadoo lagu wado in doorashada Madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa ay dhici doonto dhammaadka bisha Oktoobar ee so socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya