4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Qaad badan oo ku xayiran degmada Meru, Kenya

Arbaco, Sitember 07, 2016 (HOL)-Qaad badan oo lasoo guray ayaa ku xayiran beeraha qaadka ee degmada Meru kadib markii dawlada Soomaaliya ay mamnuucday in Soomaaliya la keeno qaadka Kenya.

Waxaa kaloo qaad badan oo lasoo guray shalay uu ku xayiran yahay garoonka Wilson Airport ee caasimada Nairobi iyo sidoo kale maqaasiino ladoonayay in laga sii daabulo laakiin amarkaan uu saameeyay.

Beeraleyda qaadka ayaa sheegay in shalay oo qura ay khasaareen ugu yaraan 1 maylan oo doolar! Maanta ayaa ah maalintii labaad ee qaadka Kenya aan loo duulin Soomaaliya.

Beeraleyda qaadka ee degmada Meru ayaa dowlada Kenya ka codsaday in ay dowlada Soomaaliya ka codsato in la qaado xayiraada qaadka lagu soo rogay.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in mamnuucida ay ku soo rogtay qaadkii Kenya Soomaaliya uga imaan jiray gobernatooraha degmada Meru ee dalka Kenya uu sabab u ahaa.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in gobernatooraha Meru, Peter Munya uu u adeegsanayo qaadka in uu ugu ololeeyo kala qeybsamida Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Kenya ayaa sheegay booqasho bishii Luuliyo uu Mr. Munya ku tagay Hargeysa in ay  dawlada Soomaaliya ku qasabtay inay Soomaaliya ka joojiyaan qaadka.

"Tani waxay ku keentay cadaadis aan loo adkeysan karin dawlada. Waxaanu soo afjarnay ganacsiga qaadka si arimahaan wax looga qabto," sidaa ayuu yiri safiirka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan.

Isniintii ayaa dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday in wixii loo gaaro 6da bishaan ay joojisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya ilaa amar dambe.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]