4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Qaad laga keenay Itoobiya oo shalay la geeyay Boosaaso

Arbaco, Sitember 07, 2016 (HOL)-Ayadoo dawlada Soomaaliya ay ka joojisay qaadkii laga keeni jiray Kenya Soomaaliya in la geeyo ayaa shalay qaad laga keenay Itoobiya waxaa la geeyay magaalada Bossaaso.

In badan oo ah dhulka Soomaaliya ee koofurta iyo bartamaha ayaan laga qayilin shalay  oo dhan maadaama aanan qaad la geyn. Si kastaba, shalay qaadkaa laga keenay Itoobiya ee Bossaaso la geeyay ayaa fursad u siiyay dad badan inay qayilaada sii wadaan oo aysan ka kala go'in.

Si kastaba ha ahaatee kuma uusan filnayn. Dad badan ayaa u riyaaqay joojinta qaadkii Kenya ka imaan jiray ayagoo sheegay inuu dhibaato badan oo dhaqaale ku hayay dalka iyo dadka.

Dhanka kale, dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in mamnuucida ay ku soo rogtay qaadkii Kenya Soomaaliya uga imaan jiray gobernatooraha degmada Meru ee dalka Kenya uu sabab u ahaa.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in gobernatooraha Meru, Peter Munya uu u adeegsanayo qaadka in uu ugu ololeeyo kala qeybsamida Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Kenya ayaa sheegay booqasho bishii Luuliyo uu Mr. Munya ku tagay Hargeysa in ay  dawlada Soomaaliya ku qasabtay inay Soomaaliya ka joojiyaan qaadka.

"Tani waxay ku keentay cadaadis aan loo adkeysan karin dawlada. Waxaanu soo afjarnay ganacsiga qaadka si arimahaan wax looga qabto," sidaa ayuu yiri safiirka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan.

Isniintii ayaa dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday in wixii loo gaaro 6da bishaan ay joojisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya ilaa amar dambe. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]