4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Tirada carruurta ee dad waaweyn aysan wehelin ee qaxootiga ah oo sare u kacday

Xaquuqda masawirkaan/AFP


Arbaco, Sitember 07, 2016 (HOL)-Eurostat oo ah hayad arimaha xisaabaadka samaysa ayaa sheegtay in 580,000 oo ka mid ah muhaajiriinta magangelyada weydiistay dalalka Yurub  ay yihiin carruur dad waaweyn aysan la socon balse kaligood ah.

Interpol ama booliska caalamiga ah ayaa sheegay in carruurtaa lasoo safriyay oo dad mukhalasiin ah ay keeneen.

Marie-Pierre Poirier, oo UNICEF UK u qaabilsan qaxootiga Yurub ayaa sheegtay in carruurtaasi ay marino khatar ah soo maraan ka hor inta aysan soo gaarin Yurub.

Mukhalasiinta ayaa lacago badan ka hela safrinta carruurta gaar ahaan iyo safrinta muhaajiriinta guud ahaan.

3-4 bilyan oo lacagta Ingiriirska ah ayaa la sheegay inay sanad walba ka helaan tahriibinta dadka taagta daran ee qaxootiga ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]