4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2016
Warbixin: Soo xaadirid la'aanta xildhibaanada Soomaaliya oo caqabad ku noqotay baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya

Arboco, September 08, 2016 (HOL) – Kasoo qeyb galka kalfadhiyada baarlamaanka si loo guto matalaadda shacabka iyo kormeerka dawlada waa arrin caqabad ku ah dal walba.

 

Dalka Soomaaliya oo ay 25 sanno hannaan dowladeed uusan ka jirin, ka soo qayb-gal buuxa ee fadhiyada baarlamaanka waa arrin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Falanqeyn shabakadda Hiiraan Online (HOL)  ay ku samaysay soo xaadiritaanka baarlamaanka 9aad ayaa lagu ogaaday in xildhibaano badan ay dhaga ka fureysteen ka soo qayb-galka fadhiyadaas

 

Xaashida soo xaadiritaanka lagu qoro ama diiwaanka , oo lagu soo daabacay barta internetka ee baarlamaanka ayaa muujisay in soo xaadirid la'aantu u dhexeyso 3% - 94% ilaa iyo markii la aasaasay barlmaanka 9aad ee sannadkii 2012.

 

Maadaama uusan jirin sharci ogolaanaya shaqo ka eryidda xildhibaanada sida joogtada ah uga maqnaada kalfadhiyada, hoggaanka Soomaaliya waxaa uu siiyaa digniino aan wax kasoo qaad lahayn oo ka dhan ah maqnaanshaha  ‘aan cudur daarka lahayn’ ; dhammaan xildhibaanadii ka maqanaa kulmada baarlamaanka wax tillaabo ah lagama qaadin.

 



Shaxdan kale waxay muujineysaa
10ka xildhibaan ee ka qay-galkoodu ugu yaraa kulanda Baarlmaankii 9aad (2012 -2016):

MAGACYADA XILDHIBAANADA

      JOOGE              %

1.            Dr. Maxamed Adan Waaberi

6%

2.            Cabdiraxmaan Maxamuud Xuseen

8%

3.            Cabdinaasir Maxamed Cabdulle

11%

4.            Abshir  Xasan Abshir

14%

5.            Zakariye  Xuseeen Caare

20%

6.            Caasha Xaaji Climi

24%

7.            Saciid Cabdullahi Maxamed

27%

8.            Cabdulqaadir Xasan Sh. Aadan

28%

9.            Faarax Sheekh Cabdulqaadir

31%

10.          Fowsiya Maxamed Sheekh

33%

Xigasho: Golaha Shacabka Soomaaliyeed - Xafiiska Habdhowraha 
F.G: Wasiirada ka tirsan xildhibaanada qasab kuma ah in ay ka soo qayb-galaan kulmada baarlmaanka

Shaxdan hoose waxay muujineysaa toban (10) Xildhibaan ee ugu badnaa ka soo qayb-galka fadhiyada Baarlamaankii 9aad (2012 - 2016)

 

MAGACYADA XILDHIBAANADA

JOOGE   %

1.            Cali Xasan Guyow

97%

2.            Cabdullahi Axmed Xuseen

96%

3.            Bishaar Cabdi Diiriye

95%

4.            Saciid Xasan Geedi

95%

5.            Maxamed Cabdulle Faarax

94%

6.            Aadan Maxamed Cali

94%

7.            Axmed Mayow Cabdulle

93%

8.            Aweeys Cabdullahi Ibraahim

93%

9.            Xabiiba Maxamed Khayre

93%

10.          Mayow Mustafa Xasan

93%

Xigasho: Golaha Shacabka Soomaaliyeed - Xafiiska Habdhowraha 
Maqnaanshaha joogtada ah ee qaar xildhibaanada ka tirsan ma keeneyso in dadka ay matalaan oo qura ay arinkaa ka murugoodaan balse sidoo kale waxay arintaasi ka careysiisaa xildhibaanada had iyo jeer soo xaadira. “Waxaanu ka hadleynaa bilo maqnaansho ah, xataa mararka  qaar sanad ama ku dhawaad.” Sidaa waxaa yiri hal xildhibaan oo Soomaaliyeed  kaasoo in magaciisa aan la sheegin codsaday.

Baaritaank lagu sameeyey diiwaanada lagu muujiyo Joogitaanka/Maqnaashaha  xildhibaanada ayaa muujinyay in qaar ka tirsan xildhibaanada ay yimaadan fadhiyada aan caadiga ahyn oo kaliyah sida moshinada xasaasiga ah ee kalsoonida loogu qaadayo dowladda iyo wixii la mid ah. 

Qof siyaasada qaadaa dhiga oo aanu la xiriirnay ayaa
yiri,  “soo xaadirida kalfadhiyada aan caadiga ahayn  waxaa ay muujin kartaa ahmiyada ay siiyaan xildhibaanadu arimaha qaranka muhiimka u ah ama jaceylka ay u qabaan inay mooshinada lacag ka dhaliyaan”.

 

Ammaan darrada ayaa waxaa loo arkay inay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ugu wacan maqnaanshaha dabeecada ay ka dhigteen xildhibaanadu. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa si joogto ah u bartilmaansada xildhibaanada  markii ay ku kulmaan gudaha Muqdisho. 1dii Juun, labo xildhibaan ayaa kujiray 16 qof oo lagu dilay weerarkii  hoteel Ambassador ee magaalada Muqdisho. 

Dabayaaqadii Abriil, labo xildhibaan oo kale oo Soomaaliyeed ayaa dirqi uga badbaaday  isku day lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo weeraro kala gaar gaar ahaa oo ilaaladoodii lagu dhaawacay. Waxaa murugo leh in dhacdooyinkaas oo kale ay ku badan yihiin Soomaaliya maadaama xildhibaanadu qabtaan mid ka mid ah shaqooyinka ugu khatarta badan ee laga qabto gudaha Soomaaliya. Lagasoo bilaabo sanadkii  2012,
 seeded iyo toban (18)  xildhibaan ayaa la dilay.

 

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10naad , ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo doorto inta u dhexeysa bishan Sitembar 24keeda  ilaa Oktoobar  10keeda, halka doorashada madaxweynahana ay dhici doonto 30ka Oktoobar.


Buugga Warbixinta Baarlamaanka Sagaalaad (9)aad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya (2012-2016)