Arboco, September 08, 2016 (HOL) – Kasoo qeyb galka kalfadhiyada baarlamaanka si loo guto matalaadda shacabka iyo kormeerka dawlada waa arrin caqabad ku ah dal walba.
Dalka Soomaaliya oo ay 25 sanno hannaan dowladeed uusan ka jirin, ka soo qayb-gal buuxa ee fadhiyada baarlamaanka waa arrin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.
Falanqeyn shabakadda Hiiraan Online (HOL) ay ku samaysay soo xaadiritaanka baarlamaanka 9aad ayaa lagu ogaaday in xildhibaano badan ay dhaga ka fureysteen ka soo qayb-galka fadhiyadaas
Xaashida soo xaadiritaanka lagu qoro ama diiwaanka , oo lagu soo daabacay barta internetka ee baarlamaanka ayaa muujisay in soo xaadirid la'aantu u dhexeyso 3% - 94% ilaa iyo markii la aasaasay barlmaanka 9aad ee sannadkii 2012.
Maadaama uusan jirin sharci ogolaanaya shaqo ka eryidda xildhibaanada sida joogtada ah uga maqnaada kalfadhiyada, hoggaanka Soomaaliya waxaa uu siiyaa digniino aan wax kasoo qaad lahayn oo ka dhan ah maqnaanshaha ‘aan cudur daarka lahayn’ ; dhammaan xildhibaanadii ka maqanaa kulmada baarlamaanka wax tillaabo ah lagama qaadin.
Shaxdan kale waxay muujineysaa 10ka xildhibaan ee ka qay-galkoodu ugu yaraa kulanda Baarlmaankii 9aad (2012 -2016):
MAGACYADA XILDHIBAANADA |
JOOGE % |
1. Dr. Maxamed Adan Waaberi |
6% |
2. Cabdiraxmaan Maxamuud Xuseen |
8% |
3. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle |
11% |
4. Abshir Xasan Abshir |
14% |
5. Zakariye Xuseeen Caare |
20% |
6. Caasha Xaaji Climi |
24% |
7. Saciid Cabdullahi Maxamed |
27% |
8. Cabdulqaadir Xasan Sh. Aadan |
28% |
9. Faarax Sheekh Cabdulqaadir |
31% |
10. Fowsiya Maxamed Sheekh |
33% |
Xigasho: Golaha Shacabka Soomaaliyeed - Xafiiska Habdhowraha
F.G: Wasiirada ka tirsan xildhibaanada qasab kuma ah in ay ka soo qayb-galaan kulmada baarlmaanka
Shaxdan hoose waxay muujineysaa toban (10) Xildhibaan ee ugu badnaa ka soo qayb-galka fadhiyada Baarlamaankii 9aad (2012 - 2016)
MAGACYADA XILDHIBAANADA |
JOOGE % |
1. Cali Xasan Guyow |
97% |
2. Cabdullahi Axmed Xuseen |
96% |
3. Bishaar Cabdi Diiriye |
95% |
4. Saciid Xasan Geedi |
95% |
5. Maxamed Cabdulle Faarax |
94% |
6. Aadan Maxamed Cali |
94% |
7. Axmed Mayow Cabdulle |
93% |
8. Aweeys Cabdullahi Ibraahim |
93% |
9. Xabiiba Maxamed Khayre |
93% |
10. Mayow Mustafa Xasan |
93% |
Xigasho: Golaha Shacabka Soomaaliyeed - Xafiiska Habdhowraha
Maqnaanshaha joogtada ah ee qaar xildhibaanada ka tirsan ma keeneyso in dadka ay matalaan oo qura ay arinkaa ka murugoodaan balse sidoo kale waxay arintaasi ka careysiisaa xildhibaanada had iyo jeer soo xaadira. “Waxaanu ka hadleynaa bilo maqnaansho ah, xataa mararka qaar sanad ama ku dhawaad.” Sidaa waxaa yiri hal xildhibaan oo Soomaaliyeed kaasoo in magaciisa aan la sheegin codsaday.
Baaritaank lagu sameeyey diiwaanada lagu muujiyo Joogitaanka/Maqnaashaha xildhibaanada ayaa muujinyay in qaar ka tirsan xildhibaanada ay yimaadan fadhiyada aan caadiga ahyn oo kaliyah sida moshinada xasaasiga ah ee kalsoonida loogu qaadayo dowladda iyo wixii la mid ah.
Qof siyaasada qaadaa dhiga oo aanu la xiriirnay ayaa yiri, “soo xaadirida kalfadhiyada aan caadiga ahayn waxaa ay muujin kartaa ahmiyada ay siiyaan xildhibaanadu arimaha qaranka muhiimka u ah ama jaceylka ay u qabaan inay mooshinada lacag ka dhaliyaan”.
Ammaan darrada ayaa waxaa loo arkay inay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ugu wacan maqnaanshaha dabeecada ay ka dhigteen xildhibaanadu. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa si joogto ah u bartilmaansada xildhibaanada markii ay ku kulmaan gudaha Muqdisho. 1dii Juun, labo xildhibaan ayaa kujiray 16 qof oo lagu dilay weerarkii hoteel Ambassador ee magaalada Muqdisho.
Dabayaaqadii Abriil, labo xildhibaan oo kale oo Soomaaliyeed ayaa dirqi uga badbaaday isku day lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo weeraro kala gaar gaar ahaa oo ilaaladoodii lagu dhaawacay. Waxaa murugo leh in dhacdooyinkaas oo kale ay ku badan yihiin Soomaaliya maadaama xildhibaanadu qabtaan mid ka mid ah shaqooyinka ugu khatarta badan ee laga qabto gudaha Soomaaliya. Lagasoo bilaabo sanadkii 2012, seeded iyo toban (18) xildhibaan ayaa la dilay.
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10naad , ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo doorto inta u dhexeysa bishan Sitembar 24keeda ilaa Oktoobar 10keeda, halka doorashada madaxweynahana ay dhici doonto 30ka Oktoobar.