4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Xiisad colaadeed oo ka dhex-oogan laba beelood oo wada dega Gobolka Hiiraan
/images/2015/Dec/20151216635858408188905304Xaafadda_Howlwadaag_Baladweyne_660.jpgTalaado, September 07, 2016 (HOL) — Ciidammo ka Tirsan Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ayaa Maanta la geeyay Qaybo ka mid ah xaafadda Howl-wadaag ee Degmada Beledweyne, kuwaasoo sugaya Amniga xaafadda, kaddib markii ay soo If-baxeen Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya labo beelood oo halkaas wada-dega.

Dad ku sugan xaafadda Howl-wadaag ayaa HOL u sheegay in la arkayay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dowladda federaalka oo taagan jidadka muhiim ah ee xaafadda, iyaga oo ka foojigan dagaal dhax-martay Malleeshiyaad ka kala tirsan labadan Beelood oo marar badan oo hore ku dagaalamay xaafaddo ka tirsan magaalada.

Xiisaddan, ayaa ka danbeysan kaddib markii tiro ku dhawaad Shan ruux ay labada Beelood isaga dileen Deegaannada Miyiga fog ee Galbeedka Gobolka Hiiraan, Taasoo keentay inay colaadda labada dhinac saameyn ku yeelato xaafada Howl-wadaag oo labada beelood wada degaan.

Ugu dambey, Dagaallo marar badan oo noq-noqday isla markaana oo khasaare aad u weyn geystay ayaa Maleeshiyooyin labada dhinac ah ku dhaxmaray xaafada kuwaa oo saameyn weyn ku yeeshay nolasha dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlne
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya