4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay ka hor shirka IGAD ee bishaan

Talaado, Sitember 06, 2016 (HOL)-Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ammaanka aad loo adkeeyay ayadoo maalmaha soo socda lagu qaban doono shirka IGAD.

Shirkaa oo shirweyne ah ayaa waxaa uu yahay kii noociisa ah ee 53aad. Hoggaamiyeyaasha dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Suudaan  iyo Uganda ayaa la filayaa inay shirkaa kasoo qeyb galaan.

Shirkaa ayaa waxaa diirada lagu saarayaa horumarada dhanka siyaasada iyo amniga ee Soomaaliya, doorashada soo socota ee Soomaaliya, ammaanka Koofurta Suudaan iyo arimo kale oo dhowr ah.

'Waa markii ugu horeysay ee Muqdisho marti galiso shir heer sare ah sida kan oo kale muddo ka badan 30 sano. Waxaanu u aragnaa inay tahay calaamad taariikhi ah iyo farriin caalamka u sheegeysa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay saaxada caalamka,'. Waxaa sidaa yiri wasiirka Soomaaliya ee Arimaha Dibada C/Salaam Cumar  Hadliye.

 “Waxaa socda diyaar garow amni oo ballaaran si loo adkeeyo ammaanka si loo xaqiijiyo in shirkaan weyn inta uu socdo uusan dhibi dhicin." Ayuu yiri waziirku.

Dhanka kale ammaanka ayaa la adkeeyay ayadoo ciidamada ammaanku gaaf wareegayaan  qeybaha muhiimka ah ee  caasimda habeyn iyo maalin.

Ururka IGAD ayaa ka jawaaba arimaha degdega ah ee gobolka bariga Afrika waxaana la aasaasay sanadkii  1996.