4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Madaafiic Khasaare geystay oo Maanta ku dhacay Agagaarka Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho
Talaado, September 07, 2016 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, toddoba kalena way ku dhaawacmeen hoobiyeyaal maanta baqadii kusoo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho.

Duqeymahaan ayaanay jirin cid sheegatay mas’uuliyaddooda, sidoo kale, waxaan ka hadlin hay’adaha amniga Dowladda, waxaana ay ku dhaceen qaarkood kaamam ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah iyo goobo kale oo ay Shacab ku sugnaayeen.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Hoobiyeyaashaan ay ku dhaceen Iskuulka 15 May oo ku dhaw madaxtooyada iyo xaafado kale oo ku dhaw barxadda suuqii caga-dhiig ee degmada War-dhiigley ee Muqdisho.

“Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay xaafado ka tirsan War-dhiigleey; qaarkood waxay ku dhaceen goobo ay Dad ku ganacsanayeen, kuwo kalena Waxay ku dhaceen Kaam ay barakacayaan ku noolaayeen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan,” ayuu sheegay goob-jooge ku sugan Degmada Wardhiigley oo la hadlay Warbaahinta.

Sidoo kale, Goobjoogahan ayaa xusay inuu arkay dhaawacyada toddoba qof iyo dhimashada saddex kale oo carruuri ay ku jirto, waxaana duqeymahan ay kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in bishan 10-keeda uu Muqdisho ka furmo Shir ay yeelanayaan Madaxda Dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD.

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoog leh oo loogu jiro qabashada shir Madaxeedka IGAD oo markii ugu horreysay Muqdisho ka dhacaya tan iyo markii uu dalku galay burburka siyaasadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya