4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Kulan looga hadlayay amniga doorashooyinka Baarlamanka oo lagu qabtay Kismaayo [Sawirro]


Talaado, September 07, 2016 (HOL) —Kulankan oo looga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada magaalada Kismaayo inta lagu gudo jiro doorashooyinka mudaneyaasha baarlamanka dowladda Soomaaliya ee laga soo xulayo deegaanada Jubooyinka ayaa waxaa kasoo qeybgalay, saraakiisha amniga dowladda Jubaland, saraakiil ka socotay Amisom iyo weliba wakiillo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Kulankan oo ay warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa ka dhacay Hoolka shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo, ayadoo uu qaatay saacado badan, waxaana gabagabadii warbaahinta la hadlay Gen. Aadan Max’uud Ibraahim (Aadan Goojaar) oo taliyaha ciidamada Jubaland.

Taliyaha ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saarayay sidii la isaga kaashan lahaa nabadgelyada xilliga ay dhacayaan doorashooyinka, isagoo sheegay in waqtigaasi ay magaalada Kismaayo ka dhici doonaan soo xulitaanka mudaneyaasha baarlamanka ee beelaha dega Jubaland.

Waxa uu xusay in la sameeyay guddi ka kooban saraakiil Jubaland iyo AMISOM ah, kuwaa oo loo xilsaaray amniga guud ee magaalada inta ay socdaan doorashooyinka.

Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa kusoo qulqulayay Salaadiinta iyo odoyaasha dhaqan beelaha kala duwan ee dega Jubaland, kuwaa oo soo xuli doona xubnaha uga qeybgali doona baarlamanka dalka.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo ayaa waxaa saaka lagu arkayay boqollaal askari oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda Jubaland, kuwaa oo aad u qalabeeysan islamarkaana dhoolatus ku sameeynayay wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Ciidamadan oo saraakiisha nabadsugiddu ay sheegeen in ay ka qeybqaadan doonaan sugidda nabadgelyada Doorashooyinka ayaa ahaa kuwo sitay Tuuto u gaar ah, waxayna ciidamadani soo bandhigeen xirfaddooda dhanka sugidda amniga, ayagoo si taxadar leh u roondeeynayay wadada laamiga ah ee marta bartamaha magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.