4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Raisul wazaaraha Soomaaliya oo shaaciyay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada

Talaado, Sitember 06, 2016 (HOL)-Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa shaaciyay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada doorashada sanadkaan.

Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa shalayto Isniintii shaaca ka qaaday inuu u sharraxan yahay doorashada nagu soo fool leh ee dabayaaqada sanadkaan 2016. Sidaa ayuu shaaca ka qaaday asagoo ku sugnaa xafiiskiisa, gudaha Villa Somalia.

Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa aabihii al-marxuum Cabdirashiid Cali Sharkaarke uu xilka raisul wazaaraha Soomaaliya soo qabtay ka hor intii uusan noqon madaxweyne.

Raisul wazaaraha Soomaaliya, Cumar C/Rashiid Cali ayaa asagu labo jeer noqday Raisul wazaaraha Soomaaliya; waa sanadihii 2009-2010 iyo 2014 ilaa hada.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]