4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Dabkii xabsiga ka kacay Itooboya oo 23 qofi ku dhinteen

 

Talaado, Sitember 06, 2016 (HOL)-Ugu yaraan 23 maxbuus ayaa ku dhintay dab ka kacay xabsi Itoobiya ku yaala xabsigaa oo mudaaharaadeyaal ay kuxirnaayeen.

 

Si kastaba ha ahaatee, bayaan kasoo baxay dawlada Itoobiya ayaa lagu xusay in 21 maxbuus ay u dhinteen cabbur halka labo kalena la dilay kadib markii ay isku dayeen inay baxsadaan. Warbaahinta maxaliga ah ee dalkaa qaarkeed ayaa sheegtay in marqaati uu sheegay in ilaalada xabsigu ay toogteen maxaabiistaa.

Dhacdadaa ayaa dhacday Sabtidii ayadoo xabsiguna ahaa Qilinto oo kuyaala meel dibada ka ah caasimada Addis Ababa.

Warbixno ayaa xusay in dabka si ula kac ah loo shiday. Xabsigaa ayaa waxaa ku xirnaa maxaabiis badan oo Oromo ah oo dadkii dhawaan dawlada ku kacay kujiray.

Maxaabiistaa ayaa waxaa kujiray dadka aadka wax ugu qora internetka ee loo yaqaano afka qalaad bloggers, saxafiyiin xirfadleyaal ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada.

Human Rights Watch oo ah hayad caalami ah oo u dooda xaquuqul insaanka ayaa sheegtay in dhawaan ciidamada ammaanka dalkaasi dileen ilaa 400 gudaha gobolka Oromia inkastoo dawladu ay sheegtay in tiradaa ay aad uga yar yihiin dadkii halkaa lagu dilay.

Raisul wazaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa dibadbaxeyaasha ku eedeeyay amni darrada dalkaa ka jirta.