4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Canada: Kooxaha bulshada oo mar kale ka mudaaharaaday geeridii C/Raxmaan Cabdi

Talaado, Sitember 06, 2016 (HOL)-Oraah dhaqan iyo halku dhagyo ayaa hareeyay mudaaharaad ay kooxaha bulshadu isugu soo baxeen maalinta shaqada iyo shaqalaha ee Canada.

Mudaaharaadeyaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Ottawa si caddaalad loogu helo C/Raxmaan Cabdi oo xilligan xagaaga boolisku kudileen Ottawa. Ninkaa ayaa ahaa nin Soomaali Canadian ah.

Kooxo ay kujiraan Ururka Hooyooyinka Soomaali Canadian-ka ama Canadian Somali Mothers Association, Isbahaysiga Caddaalad u Raadinta C/Raxmaan ama Justice for Abdirahman Coalition, iyo Isbahaysiga Iskuduweyaasha Bulshada Madoow ama  the Alliance of Black Community Organizers ayaa socod ku maray waddooyinka Ottawa ayagoo lulayay calaamado iyo boorar.

C/Raxmaan ayaa ahaa 37 sano jir markii bishii Luuliyo dabayaaqadeedii boolisku ku dileen xaafada  Hintonburg ee magaaladaa.

Haatan ayaa Waaxda Dembi Baarista Gaarka ah ee gobolka Ontario ay wadaa baaritaan la xiriira ninkaa dilkii loo geystay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]