4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Soomaaliya oo ka mid ah 3 dal oo ay ka yimaadaan in ka badan kala bar qaxootiga caalamka

 

Talaado, Sitember 06, 2016 (HOL)-Soomaaliya ayaa ah mid ka mid ah saddex dal oo ay ka yimaadaan in ka badan kala bar qaxootiga caalamka.

Sida warbixin dhawaan soo baxday lagu xusay, dalalkaa ayaa kala ah Soomaaliya, Afghanistan iyo Suuriya.  Suuriya waxaa ka yimid qaxooti dhan 4.9 milyan, Afghanistan 2.7m Soomaaliyana 1.1 milyan.

Wadamada marti galiya qaxootiga ugu badan ee caalamka waa Turkey, Lebanon, Jordan, Germany, Sweden, Pakistan, Iran, Kenya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayaa in badan QM ku baaqday in dalalku soo dhaweeyaan qaxootiga gaar ahaan qaxootiga Suuriya oo dalkooda muddo shan sano ka badan uu ka taagan yahay dagaal darafyo badan ay ku lug leeyihiin oo lagu hoobtay.

Qaxooti badan oo Yurub inay galaan isku dayay ayaa waxaa caqabad ku noqotay in waddadii Balkan-ka la xiray horraantii sanadkaan kadib markii dawladaha Hungary, Austria, Macedonia, iyo Slovenia ay xireen xaduudahooda ayagoo deyr adag ku wareejiyay si ay u joojiyaan qaxootiga dalalkooda kusoo qulqulayay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]