4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2016
Maanta oo diyaaradihii jaadku aysan tagin Soomaaliya

Talaado, Sitember 06, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxaa baaqday oo jaad aan Soomaaliya geyn diyaaradihii jaadka ee Kenya ka qaadi jiray jaadka.

Arintaa ayaa timid kadib markii shalay xukuumada Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay hakad gelisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya laga billaabo Salaasada maanta ah ee  06-da Sitembar.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac Jangeli oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u joojiyeen diyaaradihii garoomada Soomaaliya jaadka keeni jiray, isagoo xusay inay dib kasoo sheegi doonaan xilliga dib loo furayo.

“Diyaaradihii qaadka Soomaaliya uga keeni jiray Kenya, waxaan laga bilaabo Talaadada berri ah u joojinnay si kumeel gaar ah, dib ayaana kasoo sheegi doonnaa waqtiga dib ay u billaabnayaan," ayuu shalay yiri Jangeli oo ka gaabsaday inuu ka hadlo sababta loo joojiyay diyaaradaha Soomaaliya keeni jiray jaadka maalin walba, wuxuuna xusay in duruufo jira awgood go'aankaa ay u qaateen.

Sidoo kale, wasiirka oo u warramayay idaacadda VOA-da, ayaa la weydiiyay in joojintan ay la leedahay xiriir Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD oo 10-ka bishan ka furmaya Muqdisho wuxuuna ku jawaabay inaysan wax shuqul ah isku lahayn, balse arrimo kale oo aanu doonayn inuu sheego ay la xiriirto go’aanka ay gaareen.

Somali ayaa ah suuqa ugu weyn ee Kenya ay u iib geyso jaadka ka soo baxa beeraheeda, waxaana maalin walba kasoo degi jiray garoomada Soomaaliya in ka badan 16 diyaaradood oo sida qaad ama jaad.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]