4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
SAWIRO: Waxgarad iyo xildhibaano ka digay in la Musuq-maasuqo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe
Sabti, September 10, 2016 (HOL) — Wax-garad ay hor-kacayaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas C/lle, ayna ka mid ahaayeen; xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, ayaa maanta ka digay in qaab gacan-taag ah lagu dhiso maamulka labadan gobol
.

Shir jaraa’id oo ay Xubnahaan ku qabteen maanta Muqdisho, ka hor intaysan Waxgaradku u dhuulin degmada Jowhar, ayaa xusay inay soo gaareen Warar sheegaya in la qorsheeyay in ergooyin ay soo dooranayaan mas'uuliyiinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ugu sarreeya, ayna uga digayaan Ururka IGAD inuu fara-geliyo maamulka gobolladan loo dhisayo.

“Maalmahan waxaa nasoo gaarayay warar sheegaya in maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe
loo dhisayo la doonayo in ergooyin ay soo doortaan mas’uuliyiinta ugu sarreeya, waana ka digaynaa tallaabadaas in la qaado, shacabka labada gobolna marna ma aqbali doonaan arrintaas iyo wixii la mid ah,” ayay yiraahdeen waxgaradkii goobta ka hadlay.

Sidoo kale, Imaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa shirkan jaraa’id ka sheegay inay ka digayaan qorshahaas, loona baahan yahay in maamulka la dhisayo la siiyo fursad la mid ah middii la siiyay maamulka Galmudug, si ay mas’uuliyiinta maamulkaas u soo doortaan xildhibaanada baarlamaanka uu maamulkaas yeelanayo.

“Waxaan ka digaynaa qorshaha uu ururka IGAD wado waxaana ku baaqaynaa in loo madax-banneeyo shacabka labada gobol sidii ay mas’uuliyiinta hoggaamin lahaa ay u soo doortaan iyaga, taasoo la mid ah Qaabkii loo dhisayo maamulka Galmudug,” ayuu yiri Sirka Jaraa'id ka sheegay Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Shirka jaraa’id ayay waxgaradkani ka sheegeen in odayaasha-dhaqanka Gobolka Hiiraan ay isku yimaadaan, ayna wax qaybsadaan, iyagoo intaa ku daray in loo baahan yahay shacabka loo ogolaado dib u heshiisiin iyo inay arrimahoodu u madax-banaanaadaan.

Dhanka kale, Xildhibaannadii aiyday hadalka Wax-garadka ee iyaguna Shirkaan jaraa’id ka hadlay - ayaa Waxaa ka mid ahaa; C/qaadir Cosoble, Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), Maxamed Max'uud Ibraahim Goodir, Bashiir Caddoow Dheere, Maxamed Shiiraar, Daahir Amiin Jeesoow, Xasan  Macallin, Qaasim Furdug iyo kuwo kale, ayaa iyaguna ku baaqay in qorshaha IGAD ee dhismaha maamulka gobolladan uu yahay mid iska Hor-keenaya Dadka, waxaana halkan ka caddeynaynaa in laga digtoonaado.

Ugu dambeyntii, Waxgaradkaan ayaa maanta Jowhar gaaray, waxaana hadalkooda uu kusoo Beegmayaa Xilli ay Qaar ka mid ah Duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan ay Qorshaha lagu dhsayo maamulkaas kasoo horjeesteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya