4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
Maamullada Puntland iyo Somaliland oo Maanta kula kala wareegay maxaabiis xadkooda+Sawiro
Sabti, September 10, 2016 (HOL) — Puntland iyo Somaliland ayaa maanta xadkooda 
kula kala wareegay Siddeed maxaabiis ah iyo laba Gaari oo ah nooca Noah-hada loo yaqaano oo kala shaqeeyay deegmooyinka Puntland iyo Somaliland.

Maxabiistan oo ahaa siddeed rag ah, ayaa lagu kala qabsaday Garowe iyo Burco bishii hore oo ay ku kala safrayeen, mas’uuliyiinta labada dhinaca illaa hadda ma aysan sheegin sababta keentay in dadkan la kala qabsado.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, Cumar Cabdullaahi Faraeyne oo warbaahinta kula hadlay xaduudda Puntland iyo Somalia oo Dadka lagu kala wareejinayay ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamay kala wareejinta maxaabiista iyo gaadiidkoodii.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamed Cabdi Qabyo ayaa ku tilmaamay arrintan tallaabo dadka rayid ah lagu kala afduubay, isagoo ku daray intaas dhibaato dhinaca isku socodka gadiidka rakaabka ah ee Somaliland iyo puntland ay keentay, balse hadda wixii ka dambeeya laga gudibi doono.

Dhanka kale, Jaamac Salaad Maxamuud [Dhaga-dheer] oo ka mid ah odyaashii sida weyn uga shaqeeyay wadahadalkii ay labada dhinaca gaadiidka iyo dadka kula kala wareegeen, ayaa labada maamul ka codsaday in aysan arrintaan dib dambe u soo laaban.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay labada dhinaca maanta kula kala wareegen maxaabiista iyo gaadiidka ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo Somaliland iyo Puntland uu ka dhexeeyo khalaaf mar-mar badan soo laalaabtay oo la xiriira dhinaca soohdinta.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan online
Email: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya