Madaxweyne Siilaanyo oo go'aamiyay in la kala saaro Doorashada Wakiillada iyo Madaxtooyada
Sabti, September 10, 2016 (HOL) —
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta sheegay in kala
saarayo doorashadda madaxweynaha iyo golaha Wakiiladda, kuwaas madaxtooyadda
wakhtigeeddii la qabanayo, halka doorashadda golaha Wakiilladana dib loo dhigayo.
Warbixin dheer oo Madaxweynuhu uuu kaga hadlayay Saami-qaybsiga golaha Wakiiladda, cabashadda beelaha
qaarkood iyo go’aamaddii ka soo baxay Asxaabta Qaranka ayaa lagu sheegay inay tahay sababta ugu weyn ee dib loogu dhigayo
doorasahdda golaha Wakiiladda.
Afhayeenka madaxweynaha
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo qoraalkan ku saxeexnaa ayaa u qornaa sidan
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu
digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-4240/092016 uu go’aan ka
soo saaray go'aanka ay hore ugu soo gudbiyeen Asxaabta Qaranku ee ahayd,
Go'aanka Diyaarinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.
Waxaanu u dhignaa Goaankaa
Mdaxweynuhu Sidan:
1. Inaan Doorashada Golaha
Wakiillada lagu gali karin saamiga gobollada ee hadda jira.
2. In dib-u-eegis iyo
dib-u-qaybin lagu sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada
Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobollada, iyadoo tixgelin wayn la siinayo
deegaanada Awdal, Sool, Sanaag Bari, Dumarka iyo Dadka laga tirada badan yahay.
3. Inaan u magacaabo guddi
qaran oo hawshan soo fududaysa ama isku soo duba-ridda talo sal balaadhan oo
qancin karta dhinacyada kala duwan iyo daneeyayaasha sharci.
4. In la kala qaado
Doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada, si loo helo muddo ku filan hawlaha
go'aanada sare ku xusan, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo,
halka Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabanayo.
Sidaas darteed, Waxaan Xubnaha Golaha ka Codsanayaa inay Ansixiyaan Go'aannadan, si buuxdana u
taageeraan.
Ugu dambeyn, kaddib marka uu
goluhu ka guto waajibaadkiisa dastuuriga ah go'aanadan xalka u ah xaaladda
taagan, waxaan u gudbin doonaa idam Eebe Maxkamadda Dastuuriga ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland.”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in
guddi uu u saarayo sidii loo xalin lahaa saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka
si xal waara loogu helo arrinta muranka ka dhashay ee doorashooyinka golaha
Wakiiladda oo beelaha iyo goboladda qaar diidan yihiin inay qaabkan imika ku
galaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Onlin
[email protected]
Hargeysa, Somaliland