4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
Taliyaha AMISOM oo Cadaado u tagay qiimeynta diyaar-garowga doorashada (SAWIRRO)
Sabti, September 10, 2016 (HOL) — Taliyaha AMISOM, Jeneraal Cismaan Nuur Subagle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa tagay degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Galmudug, si ay u qiimeeyaan diyaar-garowga uu ugu jiro maamulka Galmudug doorashada lagu wado in Todobaadyada nagu soo  foolka leh ay ka billaabato Soomaaliya.

Booqashadan ayaa salka ku haysa sidii loo qiimeyn lahaa sida ay ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay uga shaqeyn lahaayeen ammaanka shacabka si loo hubiyo in dadku ay qayb ka qaataan doorashada la filayo.

Wafdigan ayaa waxay ka kooban yihiin; Guddiga AMISOM ee sugidda amniga doorashada, saraakiil ka tirsan Ciidamada Somalia iyo Xubno ka socda Guddiga Hir-gelinta Doorashada Dalka.

Sidoo kale, Xubnaha Wafdigaan ayaa waxay qiimeyn ku sameeyeen heerka diyaar-garowga Ciidanka Amniga Galmudug iyo awoodda ay u leeyihiin sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen hir-gelinta qorshaha doorasho ee dalka.

Xubnaha wafdiga ayaa Booqday xero lagu tababaro booliska oo Cadaado ku taalla . Waxay sidoo kale tageen Xarunta loogu Talo-galay in lagu qabto doorashada iyo Xarunta Hay’adda Sirdoonka Maamul-goboleedka Galmudug.

“Anigoo u hadlaya Afka Shacabka Maamulka Galmudug, waxaan doonayaa inaan u mahad-celiyo xubnaha Midowga Afrika u qaabilsan nabadda Somalia oo qorshahooda ugu weyn uu yahay inay Al-shabaab cagta mariyaan. AMISOM waxay doonaysaa inay dadaal dheeraad ah ku bixiso sidii doorashada u noqon lahayd mid hirgasha. Maamulka Galmudug wuxuu u yahay diyaar inay ciidamadeedu gacan ka geystaan sidii doorashada amnigeeda loo xaqiijin lahaa, si shacabku ay doorashada uga qayb-qaataan iyagoo aan wax cabsi ah qabin,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi.

Dhanka kale, Wafdigan ayaa waxay ururin doonaan inta ay joogaan Cadaaddo war-bixinno ku aaddan diyaar-garowga doorashada ee Galmudug, taasoo ugu dambeyn ay u gudbin doonaan Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka mid yahay maamullada lagu wado inay deegaannadooda ka dhacaan doorashooyinka xildhibaannada ka mid noqonaya Aqalka Sare iyo kan Hoose ee Baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelan doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya