4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
MADAXWEYNAHA: Shacabka waa inay ciidanka amniga kala shaqeeyaan Diyaar-garowga Shirka IGAD
Sabti, September 10, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana u dul-qaataan tallaabooyinka dheeriga ah ee lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo la filayo in dhowaan lagu qabto shir madaxeedka Dalalka Xubnaha ka ah Ururka IGAD.

Caasimadda Somalia ayaa waxaa inteeda badan la xiray waddooyinka muhiimka ah, sida waddada Maka Al-Mukarama, waddada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo kuwa kale ee ku dhaw-dhaw.

“Waxa lagu guda jiraa diyaar-garowga shirka IGAD. Waa shir Taariikhi ah oo dhanka kale muujinaya kalsoonida Gobolka iyo Beesha Caalamku ay ku qabaan Dib u soo Kabashada Somalia. Waxaan sidaa darted dadaal dheeri ah gelinay sugidda amniga, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si aanu cadowga ugu suuro-gelin inuu fursaddaasi dahabiga ah ka lumiyo dalkeenna, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in tallaabooyinka amniga lagu sugayo ay la imaan karaan caqabado dhanka dhaqdhaqaaqa bulshada ah, isagoo Shacabka ka Codsadey in ay u Dulqaataan maalmaha yar ee hawlaha shirka lagu xaqiijinayo ay socdaan.

Urur-gboleedka IGAD ayaa sannadkii 1986-kii waxaa lagu aasaasay dalka Jabuuti, waxaana markii ugu horreysay shir madaxeedkiisa ku qabanaya dalka Soomaaliya, iyadoo Somalia ay ka mid ahayd aasaasayaashii ururkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhanka kale ka hadlay Hawl-gallada guud ee Amniga oo uu sheegay in si habsami leh u socdaan, dhawaanna ay shacabku maqli doonaan War ay ku farxaan oo ku saabsan dagaalka lagula jiro cadowga.

Ugu dambeyn, Isagoo ka hadlayay Arrimaha Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ee ka socda Muqdisho, waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wax walba ay si wanaagsan u socdaan, dhowaanna shirkaasi la soo gabagabeyn doono, lagana soo saari doono go’aanno dhaxal gal ah oo la xiriira dowlad dhisida iyo Doorashada Somalia ka dhacaysa sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya