4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
Dawlada Turkiga oo raashin gargaar ah u soo dirtay Soomaaliya iyo Itoobiya

Sabti, Sitember 10, 2016 (HOL)-Markab Turkiga laga leeyahay oo sida 11,000 oo tan oo raashin iyo alaabo gargaar ah ayaa shalay Turkigu usoo diray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
Markabkaa ayaa waxaa uu kasoo shiraacday magaalo xeebeedka Turkiga ee Mersin. Raashinka lasoo saaray markabkaa ayaa waxaa kujira bur iyo sonkor iyo raashin kale oo quutul daruuri ah.

Waxaa sidoo kale saaran 178,000 oo xabbo oo xafaayadaha carruurta ah. Dhammaan alabaadaa iyo raashinka ayaa la filayaa in dhawaan geeska Afrika ay soo gaaraan ayadoo inta Itoobiya loo wado laga soo dajin doono dekada magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Intaa kadib ayaa markabku u jahaysan doonaa Soomaaliya.
 
Axmed Catiiq oo ah madaxa Waaxda Difaaca Rayidka ee Dawlada Turkiga ee Hayada Maareynta Xaaladaha Dagdaga ah iyo Musiibooyinka (AFAD) ayaa sheegay in markabkaa yahay kii 12aad ee gargaar ee Turkigu u diro Soomaaliya.
 
Hayada IFAD iyo Bisha Cas ee Turkiga ayaa dhammaan gargaarkii Turkiga hagayay haatana soo abaabulay ama isku soo duba riday gargaarka markabkaan lasoo saaray.

“Markii markabkaani gaaor Soomaaliya, cawimaadii dawlada Turkigu gaarsiisay Soomaaliya waxay gaareysaa 62,000 oo tan.” Sidaa ayuu yiri Axmed Catiiq.
 
Dadka Soomaaliya ayaa Turkigu bilaabay inuu cawimaad u fidiyo sanadkii 2011 markaasoo dalka ay jirtay macaluul daran.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]