KEATING: Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ah ma aqbalayaan inay doorashadu dib u dhacdo
Sabti, September 10, 2016 (HOL) —
Wakiilka QM ee Somalia Micheal Keating, ayaa shaki geliyay doorashada Somalia
ee sannadkan inay ku dhacdo xilligii loo qabtay; isagoo Xusay in Beesha
Caalamka aanay Aqbali doonin khilaaf Siyaasadeed oo sabab u noqda inay dib u
dhacdo doorashada sannadkan.
Danjire Keating oo la
hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay ahayd Hoggaamiyeyaasha dalka Somalia dhameystiraan nidaamka
doorashada, isagoo rajo ka muujiyay in dhowrka bilood ee soo socota ay doorasho
dalka ka dhici doonto.
“Waxaa muhiim ah in si dhab
ah loo raaco jadwalka Doorashada, laakiinse haddii ay jiraan sababo farsamo oo
dib u dhigi kara waxaa la doonayaa in si wanaagsan looga baaraan-dago,” ayuu
yiri Danjiraha QM ee Somalia.
Sidoo kale, Danjire Keating
ayaa xusay in Beesha Caalamka iyo Ururrada bulshada rayidka ah aanay aqbali
doonin dib u dhac dambe oo ku timaada doorashada lagu wado sannadkan inay ka
dhacdo Soomaaliya.
“Beesha Caalamka iyo Bulshada
Rayidka ma aqbali doonaan khilaaf siyaasadeed oo sababa din u dhac aan
waqtigiisa la ogeyn inuu doorashada sannadkan ku yimaado,” ayuu yiri hadalkiisa
raaciyay.
Dhanka kale, Madaxda Madasha
wada-tashiga Doorshada Somalia ayaa Muqdisho ku leh shir y uga hadlayaan
arrimaha doorashada, kaasoo aanay weli waxba kasoo bixin, iyadoo ay jiraan kala
aragti duwanaansho u dhaxeysa Madaxda oo salka ku haya doorashooyinka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha
Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayay maanta ugu eg-tahay muddadii afartii sano ahayd ee loo doortay xilka Madaxweynaha, iyadoo lagu wado inay doorashada madaxweynaha
dhacdo dhammaadka bisha Oktoobar ee sannadkaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya