4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
QM oo bixisay $7 mln oo lagu caawinaayo Soomaalida

Sabti, Sitember 10, 2016 (HOL)-Sanduuqa QM u qaabilsan arimaha dagdaga ah ayaa bixiyay 7 malyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu xoojiyo adeegyada badbaadada ee barakaceyaasha kunool Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay QM shalay Jimcihii ayaa sidaa lagu sheegay. Qarashkaa ayaa waxaa gaar ahaan laga bixiyay qasnada arimaha gargaarka Soomaaliya ee OCHA ee SHF.

Qarashkaa ayaa loogu tala galay in sare loogu qaado maciishada barakaceyaasha Soomaaliya gaar ahaan kuwa kunool caasimada Muqdisho.

Qarashkaa ayaa waxaa sidoo kale lagu bara taari doonaa waxbarashada, helitaanka raashinka, caafimaadka, guriyeynta, biyaha iyo fayadhowrka gaar ahaana waxaa loogu tala galay barakacayaasha daggan xaafadaha Daynille iyo Kaxda.

"Barakaceyaasha Soomaaliya caqabado waaweyn ayaa heysta waxaana u habboon taageero baniaadminimo oo waqtigii la rabay ay helaan si baahidooda wax looga qabto. In badan oo ka tirsan ayaa ka faaiidi doona qoondadaan," ayuu yiri isku duwaha arimaha gargaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq.

Wuxuu kaloo sheegay in xad gudbyada ka dhanka xaquuqul insaanku aad ugu badan yihiin xeryaha barakaceyaasha.

Hada oo aanu warbixintaan qoreyno Muqdisho waxaa kunool 400, 000 oo barakaceyaal ah guud ahaan Soomaaliya in ka badan 1.1 milyan oo barakaceyaal ah!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]