4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
Hawl-wadeeno maxkamadda Hargeysa ah oo lagu eedeeyey inay warar borobogaando ah ku faafiyeen facebook

Sabti, Sitember, 10,2016 (HOL)- Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay Hawl-wadeeno ka tirsan Maxkamadaha racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeisa, kuwaas oo lagu soo eedeeyey inay samaysteen Account Face-book ah oo been abuur ah oo laga been abuuray guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Gobolka Maroodi jeex Cali Suudi Diiriye.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil oo war-saxaafadeed ka soo saaray xadhiga kaaliyeyaasha maxkamadda ee xabsiga loo taxaabay ayaa sheegay in baadhistooddu socoto, isla markaana hawl-wadeenadda lagu haysto warar been abuur ah oo ay ku soo qoreen Face-book Account laga been abuurtay gudoomiyaha racfaanka ee maxkamadda gobolka Hargeysa.

“Maxkamadda gobolka Hargeysa, waxay halkan bulshadda reer Somaliland ee dibadda iyo gudaha joogta usoo gudbinayaa waxa maalmihii u dambeeyey la qabqabtay  kaaliyeyaal ka hawlgala, maxkamadda racfaanka, gobolka iyo degmadda  ee gobolka Maroodi jeex, waxaana galay kaaliyeyaashaasi  raad baadhis la xidhiidha Facbook Accountkaasi oo been abuur ah oo  laga been abuuray guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi jeex (Hargeysa) Cali Suudi Diiriye, hadaba Facbookaaasi been abuurka ah waxa lagu faafiyey warar been abuur ah oo isla markaana Borobogaandho ah oo loogu tallogalay in la iskaga hor keeno bahda cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Axmed Dalmar oo war-saxaafadeedkan soo saaray.

“Baadhistii kiisani way socota, waxana gacanta ku haya Hay’adaha baadhista Dambiyada. Waxanay Maxkamada ka soo codsadeen waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaaliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin” waxana war-saxaafadeedkan lagu soo gabagabeeyey “ waxa la hor keeni doonaa Maxamad awood u leh iyaga oo heli doona garnaq Caddaalad ku dhisan”.

Waa markii ugu horeysay oo dad loo xidh xidho akoonno Facebook oo been abuur ah, taas oo aan hore u dhicin in dad loo xidh xidho arrimo facbook, Akoonadda arrimaha bulshadda ee casriga ah ayaa Soomaalidu u isticmaasha qaabab ka baxsan nidaamka loogu tallogalay, waxaana inta badan lagu arkaa magacyo dad kale inta la samaysto dad kale lagu caayayo ama lagu aflagaadaynayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlin
[email protected]
Hargeysa
, Somaliland