4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2016
Madaxweynaha Kenya oo madaxweynaha Soomaaliya kala xiriiray arimaha qaadka

Sabti, Sitember 10, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo faragaliyay mamnuucida diyaaradaha Kenya ee qaadka dawlada Soomaaliya ay ka mamnuucday dalkeeda.

Afhayeenka dawlada Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru uu la xiriiray madaxwenaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud si uu xayiraada uga qaado jaadka si dalkiisa mar kale loo geeyo, waa sida hadalka loo dhigaye.

“Madaxweynaha ayaa dhiggiisa ogeysiiyay sida mamnuucidu u saamaynayso beeraleyda jaadka,” ayuu yiri Kiraithe. Wuxuu afhayeenkaasi sheegay in Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ay koox u diri doonto dalka colaadu kajirto ee jaarka ah si xiriirka ganacsiga loo hagaajiyo.

“Gobernatooreyaashu saamayn kuma lahan amuuraha caalamiga ah iyo ganacsiga caalamiga ee ka dhexeeya Kenya iyo ummadaha kale,” sidaana wuu yiri asagoo raaciyay in mamnuucida dawlada Soomaaliya ay soo rogtay ee Peter Munya oo ah gobernatooraha Meru uusan saamayn kulahayn arinkaa.

Waxaa jiray warar sheegaya in Munya safar uu dhwaan ku tagay Hargeysa uu arinkaan sababay kadib markii uu ugu carrab laalaadiyay Somaliland wax aqoonsi u eg.

Kadib falcelino ay arinkaa ka keeneen beeraleyda qaadku, Peter Munya wuxuu sheegay in naftiisu halis kujirto oo arinkaa loo bartilmaansanayo.

Beeraleyda qaadka ayaa weli waxaa ay khasaarayaan malaayiin doolar maalin walba oo xayiraadu sii socoto.

Dawladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa horay dalalkooda uga mamnuucay qaadka kadib markii ay galiyeen liiska daroogada C. 


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]