4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Afgooye ka dhacay iyo Al-shabaab oo isaga baxday


Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo u badan ciidankii Dagaalku u dhexeeyay ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka bandanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, weerarro ismiidaamin iyo toos isugu jiray oo gelinkii dambe ee maanta Al-shabaab at ku Qaadday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ka imaanaya Afgooye, ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalkii galabta ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa ciidamada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo Qarax lala beegsaday saldhig ay ku lahaayeen Afgooye.

Goob-joogayaal ku sugan Degmadaas, ayaa Warbaahinta u sheegay in xoogaga Al-shabaab ay la wareegeen Afgooye oo dhan, balse gabal-dhacii ay dib uga baxeen, kaddib markii ay gaareen Koontaroolka Baar Ismaaciil ee Afaafka hore ee Degmada Afgooye Ciidammo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia oo Gurmad ah.

“Dagaal culus ayaa ka dhacay gudaha degmada, ciidamada Al-shabaab waxaa lagu arkayay xaafadaha fgooye oo dhan, balse markii Qorraxdu dhacday ayay dib uga baxeen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan oo magaciisa ku koobay Nuur.

Sidoo kale, Qaybo ka mid ah Degmada Afgooye ayaa weli Rasaas xoog leh laga maqlayaa, iyadoo rasaasta inteeda badan laga maqalayo suuqa xoolaha ee degmadaas. waxaana lagu soo warramayaa inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Al-shabaab ayaa iyadana sheegtay inay qabsadeen guud ahaan degmada Afgooye, inkastoo aysan ka hadlin ka bixitaanka ay dib uga baxeen degmadaas oo uu ka dhacay Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidankooda iyo kuwa Dowladda Federaalka Somalia.

Ciidamadii AMISOM ee Saldhigga ku lahaa, Waddada Afgooye iyo Baydhabo isku xirta dhinaceeda, ayaa la sheegay inay galabta oo dhan difaac ku jireen, inkastoo aan la sheegin khasaare soo gaaray.

Ugu dambeyn, Xaaladda degmada Afgooye ayaa kacsan caawa, iyadoo ay ku sugan yihiin Koontaroolka Degmadaas Ciidammo ka tirsan Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo gurmad ahaan uga baxay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya