4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Taageeray Dhismaha Maamulka Hir-shabeelle


Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in uu taageersan yahay dhismaha maamulka Hir-shabeelle iyo Doorashada madaweynaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka.

Yuusuf Dabo-geed, ayaa ku tilmaamay dhismaha maamul-goboleedka Hir-shabeelle guul u soo hoyatay Bulshada ku nool Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, siddaa daraadeed looga fadhiyo shacabka ku dhaqan labada gobol in ay taageeraan.

Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray in ka maamul ahaan aanu Aqbali doonin Wax kasta oo Carqalad ku noqon kara sida uu hadalka u sheegay jiritaanka Maamulkan, islamarkaana si buuxda isku bar bar taagi doonaan.

Ugu dambeyntii, Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo hadda ka maqan Magaalada Beledweyne, ayaa horay uga soo hor-jeestay Shirka Jowhar ee lagu soo dhisay Hir-shabeelle, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka in wax waddashi ah kala sameyn maamulka uu hogaamiyo, lamana oga is-beddelkaan ku dhacay mowqifkii hore ee guddoomiyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya