4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo billaabay dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta Aqalka Sare


Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, ayaa Waxaa maanta ka billowday dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u Tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia uu ku yeelanayo maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Musharraxiintan Tartamaya oo Liiskoodu horay loo Gaarsiiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxay isugu jiraan Rag iyo Haween.

Sidoo kale, Xubnahan tartamaya ayaa khudbado kala duwan Xildhibaannada baarlamaanka Koonfur-galbeed u jeedinaya, iyadoo laga doonayo xildhbaannada baarlamanka inay kasoo xulaan siddeed xubnood oo maamulkaas ku metesha Aqalka Sare.

Kulanka baarlamaanka Koonfur-galbeed uu ku dhageysanayo musharraxiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare oo haatan ka socda Degmada Baydhabo, Waxaa Shir-guddoominaya, Guddoominaya Baarlamaanka, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Ugu dambeyn, Musharraxiinta ayaa khudbadahooda diiradda saaraya in wax badan ay ka qaban doonaan haddii ay ka mid noqdaan Xubnaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia ku meteli doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in degmada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada Xubnaha Aqalka Sare maamulka Koonfur-galbeed ku metelaya Aqalka sare oo tiradoodu tahay siddeed xubnood oo laba ka mid ah la doonayo inay noqdaan haween.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya