4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Qoysas aad u fara badan oo billaabay inay ka barakacaan Colaadaha Gobolka Shabeellada Hoose


Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Qoyas fara badan ayaa billaabay inay ka barakacaan deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen iska-hor-imaadyo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidammo deegaankaas ka jira.

Al-shabaab, ayaa xilliyadii u dameeyay kordhisay Weerarrada at la beegsanayso ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo iska-hor-imaadyadaas ay ka dhasheen khasaarooyin isugu Jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, Dadkan ka barakacaya deegaanka Muuri ayaa meelaha ay tageen waxaa ka mid ah Deegaanka LAMBAR 50 oo ka tirsan kuwa Shabeellada Hoose. Waxaana Dagaalladaas lagu gubay guryo fara badan.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Axmed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadkii kasoo barakacay deegaanka Muuri ay haysataan xaalado nololeed oo adag.

“Markii shacabku ay u adkeysan waayeen dagaalada kusoo noqo-noqday deegaanka Muuri way kasoo barakaceen, waa qoysas badan, Wax deegaanka ku harayna ma jiraan, markii ay yimaadeen Lambar Konton, Waxaa Qabsaday Xaalado kala duwan; kuwaasoo ay ka mid yihiin roob ku da’aya, sidoo kalena wax cunno ah iyo meel ay degaan intaba ma haystaan,” ayuu yiri Guddoomiye xigeenka oo la hadlayay Warbaahinta Qaarkeed.

Ugu dambeyntii, Cali Nuur ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka, Dowladda Federaalka Somalia iyo cid walba oo taakuleyn awoodda in dadkaas ay lasoo gaaraan gurmad deg-deg ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya