4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Wargeyska Xog-ogaal oo wali xiran

Talaado, Oktober 18, 2016 (HOL)-Wargeyska Xog-ogaal ayaa wali xiran waxaana sidoo kale wali xiran tafatirehii wargeyskaas.

Maalintii labaad weeye maanta oo uu wargeyskaasi xiran yahay. Shaqaale ka tirsan wargeyskaa ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dawladu ay soo weerareen xafiisyadooda magaalada Muqdisho abbaare labadii saac ee fiidnimo ee habeynkii Axadu soo galaysay ayna xireen tafatirihii, Cabdi Aadan Guuleed.

Waxay ku dareen in ay ciidamadu la tageen qalabkii daabacaada qaar ka hor intii aysan alabaabada u laabin xafiisyadaa.

"Waxay yimaadeen ayagoo wax ogeysiis aanan ah bixin", sidaa waxaa yiri Maxamed Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Xog-ogaal.

Wuxuu guddoomiyuhu sheegay in sidoo kale ay qaateen kombuyuutaro iyo wargeysyo hore.

Midowga Saxifiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay falkaa kuna baaqay in tafatiraha durba lasii daayo.

Xog-ogaal ayaa ah wargeys kasoo baxa Muqdisho oo la aasaasay 1991 wax yar kadib burburkii dawladii dhexe ee dalka.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaan wali ka hadal xiritaanka la xiray xafiisyada waregyskaa iyo tafatire Cabdi Aadan Guuleed.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]