4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Hoggaamiyaha Mucaaradka South Sudan oo sheegay in uu Dib ugu laabanayo Magaalada Juba


Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Mucaaradka South Suudaan, Riek Machar, horayna u ahaa madaxweyne ku xigeenka Dalkaas, ayaa wacad ku maray inuu dib ugu laabanayo magaalada Juba ee xarunta dalka South Sudan, kaddib markuu isaga baxay dhawr bilood ka hor.

Machar oo u warramayay BBC-da, ayaa sheegay in mucaaradku uu weli kula jiro heshiiskii nabadeed Madaxweynaha dalkaas Salva Kiir, iyadoo uu imaanayo Hadalkiisa, iyadoo laba toddobaadkii hore uu dagaal culus labada dhinac ku dhexmaray magaalada Malakal.

Sidoo kale, Machar oo baxsad ku tagay Dalka Jahuuriyadda Dimuqraaddiga Congo, ayaa haatan waxaa dhaawac looga daweynayaa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

Bishii July ee sannadkan ayaa wuxuu dagaal ku dhexmaray magaalada Juba ee caasimadda ah, ilaalada madaxweynaha iyo kuwa Machar, dagaaladan oo ay ku dhinteen boqolaal kale, illaa 100,000 o qof oo kalena naftooda ayay kala carareen colaadahaas.

Colaadahan ayaa waxay xudun u noqdeen burburka wada-hadallo nabadeed oo muddo sannad ah oo soo socday oo labada dhinac ugu dambeyn Itoobiya ku kala saxiixdeen.

Riek Machar oo la hadlayay barnaamijka HARDtalk ee BBC-da ayaa wuxuu yiri. “Waxaa doonayaa inaan ku laabto Koonfurta Suudaan.” Wuxuuna ku daray intaas. “Waayo madaxweyne Kiir ma doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah, innaga ayuu na weeraray, wuxuuna doonayaa inuu dagaalkii sokeeye dib u soo celiyo.”

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sheegay inuu doonayo inuu noqdo madaxweynaha ugu caqliga badan gobolka, Afrika iyo xitaa Adduunka oo dhan. Waxaan kaloo doonayaa buu yiri inaan xoojiyo heshiiskii nabadeed iyo South Sudan ay horumar ku tallaabsato, Qarankana la mideeyo.

Mar la weydiiyay in colaadda waddankiisa uu isaga hormuud u yahay, ayuu beeniyay wuxuuna yiri. “Anigu ma ihi colaad huriye… ciidamadeydu waxay iska difaaceen weerarro kaga yimid dhanka xukuumadda.”

Ugu dambeyn, Saraakiisha Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan ayaa ku eedeeyay Riek Machar iyo taageerayaashiisa inay hormuud u ahaayeen colaadihii kasoo cusboonaaday dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya