4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Maamul-goboleedka Hir-Shabeelle oo loogu baaqay inay dadajiyaan Xulista Xubnaha Aqalka Sare


Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somalia, ayaa maanta ugu baaqday maamulka Hir-Shabeelle inuu dadajiyo xulista xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii shalay degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Xuseen oo ka hadlayay Magaalada Jowhar, ayaa sheegay in Maamulka Cusub looga baahan yahay in uu Dadajiyo xulista xubnaha Aqalka Sare, maadaama la doortay sida uu hadalka u yiri Hoggaankii sare ee maamul-gobleedkan.

“Maamul-goboleedyada kale ee Somalia ka jira Qaarkood wali Aqalka Sare ma soo dhisin, waxaa fursad u heysataan inaad ka gaarsiisaan Aqalka Sare oo aad soo dadajisaan. Sidoo kalena waa in Haweenka Qoondadooda laga dhex Arko kuraasta Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Hir-shabeelle,” ayuu yiri Wasiirka Odawaa.

Ugu dmbeyn, Maamul-goboleedka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee soo Doortay Xubnaha Aqalka Sare u Metelaya, iyadoo Xubnihii Cadaado lagu oortay ay shalay goobjoog ka ahaayeen doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Hir-shabeelle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya