4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
SAWIRRO: Isbitaalka Jaamacadda Banaadir oo bilaabay in bulshada uu u fidiyo adeegyo Caafimaad

Talaado, Oktoobar 18, 2016 (HOL) — Isbitaalka tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo ku yaalla degaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u howlgalay, iyadoo xaflad Furitaanka Isbitaalka lagu daahfurayna lagu qabtay xarunta Isbitaalkaas.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galay maamulka Jaamacadda Banaadir, dhaqaatiir, arday, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka kala socday heyaddo ay ka mid ahaayeen ururka dhaqaatiirta iyo bisha Cas ee Soomaaliyeed, waxgarad tirsan degaanka iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa xafladda ka hadlay, waxaana ka mid ahaa; Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka waramay marxaladihii uu soo maray hirgelinta Isbitaalkan, waxaana uu sheegay in dedaal isugu jiray waqti, feker iyo Maalba ay ku bixiyeen sidii isbitaalkan uu ku hirgeli lahaa ugu dambeyna lagu guuleystay.

“Ilmo hadday dhashaan magac ayaa loo bixiyaa, isbitaalkan waxaan u bixinay (Isbitaalka Jaamacadda Banaadir ee daryeelka bulshada & tababarka shaqaalaha Caafimaadka) sababta aan magaca daryeelka bulshada u soo hormarinayna waxay tahay isagoo muhimad gaar ah siin doona bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanka oo iska leh isbitaalka anaguna waxaan u nahay shaqaale” ayuu yiri Dr. Dalmar oo shacabka degaanka Garasbaaley ama KM13 ka codsaday iney ka faa’iideystaan, ilaashaadaana Isbitaalka, lana shaqeeyaan dhaqaatiirta iyo maamulka uu leeyahay.

Waxaa Guddoomiyuhu xusay in Isbitaalka qeybihiisa kala duwan ay ka howlgeli doonaan 20 ka tirsan dhaqaatiirtii aasaasay Jaamacada Banaadir, macalimiinta wax ka dhiga kuliyaddaha dhinaca Caafimaadka qaabilsan ee jaamacadda iyo dhaqaatiir boqolaal gaareysa oo horey uga qelin jebiyey Jaamacadda.

“Qeyb yar oo ka dhiman dhismaha Isbitaalkan marka la dhameystiro wuxuu yeelan doonaa 250 sariir oo la jiifiyo bukaanada, wuxuu leeyahay qeybaha jiifka, qaliinka oo labo qeybood ah farmashi dawo tayo leh ay taallo, Qalabka asaasiga ah loo adeegsado Caafimaadka sida sheybaarada, raajada iyo Computarada baaritaanka & iwm” ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Banaadir. 

Dr. Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) gudoomiyaha Mu’asasada Jaamacada Banaadir oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay bahda Jaamacada Banaadir u tahay maalin weyn oo taariikhi ah.

“Maanta waa maalin weyn oo farxadeed, waa maalin ay rumowday riyo aan wadnay muddo dheer oo aheyd howlgelinta Isbitaalkii Jaamacadda Banaadir oo aan ka hirgelinnay degaankan KM13, dhismihiisa waxaa la soo bilaabay sanadkii 2007-dii inkastoo howshiisu mar hakatay, haddana ugu dambeyn maanta wuxuu soo gaaray inuu bulshada u adeego, waxaana sidaas ku dhameystirantay Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir” ayuu yiri Dr. Bushkuleeti oo xusay in isbitaalkan dhismihiisa aysan jirin cid ka baxsan Mu’asasada oo gacan ka geysatay haddii ay ahaan laheyd dowlado iyo hey’adaba, wuxuuna xusay inuu u shaqeyn doono ummada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Somalia Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, kana tirsan asaasayaasha iyo maamulka sare ee Jaamacadda Banaadir oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu rumoobay hamigii dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee aan dalka cararin oo ahaa iney shacabkooda u reebaan dhaxal maguuraan ah, ayna soo saaraan jiil cusub oo dhaqaatiir ah, wuxuuna xusay in howlgalinta isbitaalkan ay tahay guul taariikhi ah oo ka dhashay dedaalka dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

“Waxaan dhihi karaa isbitaalkan Jaamacadeed waa kii ugu weynaa noociisa ee dalka laga hirgeliyo maaha isbitaal laga rabo faa’iido sida magaciisa ka muuqatana ujeedada laga leeyahay waa inuu u adeego bulshada danyarta ah, qeybna ka qaato tababarada dhaqaatiirta ka soo baxeysa jaamacadda” ayuu intaa ku daray Prof, Cismaan Dufle oo ku dheeraaday taariikhda Jaamacada iyo dhibaatooyinkii laga soo maray heerka ay maanta ay soo gaartay.

Maamulka Isbitaalkan casriga ah ayaa sheegay in isbitaalku uusan aheyn mid ganacsi oo laga rabo faa’iido dhaqaale, balse bukaanada la keeno laga qaadi doono khidmooyin aad u yar yar oo aysan dareemi doonin sida labo dollar iwm, kuwaasoo ay sheegeen in lagu bixin doono adeegyada korontada, biyaha, Nadaafada iyo wixii soo raaca.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta iyo Wax-garadka deegaanka uu Isbitaalkaani ku yaallo ee Garasbaaley oo iyana xafladan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey hirgelinta Isbitaalkan oo ay sheegeen iney baahi weyn u qabeen ayna ka nasan doonaan safarkii iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee uga bixi jiray isbitaalada Muqdisho, iyagoo balan qaaday iney si wanaagsan ula shaqeyn doonaan maamulka iyo shaqaalaha isbitaalkan, waxayna u mahad celiyeen maamulka iyo mu’sasada Jaamacadda Banaadir.

Ugu dambeyn, Hadallo Hambalyo u badnaa ayaa munaasabadaas waxaa ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, Dr. C/raxmaan Macalin Fiqi oo ka tirsan muasasada tacliinta sare ee Banaadir, aqoonyahano, dhaqaatiirtii ka qelin jebisay Jaamacadda Banaadir qaarkood iyo xubno kale  oo dhamaantood maamulka Jaamacada Banaadir ku amaanay dedaalka hagar la’aanta ah ee ay muujiyeen, iyagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya