4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2016
Israsaaseyn hal qof ku dhintay oo Mandheera ku dhex martay booliska iyo Al-Shabaab

Dad ku xoonsan halkii waardiyuhu ku dhintay/xaquuqda masawirka NATION Media Grp


Talaado, Oktober 18, 2016 (HOL)-Israsaaseyn ku dhexmartay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo booliska Kenya degmada Mandheera ayaa waxaa ku dhintay hal qof.

Is rasaaseynta oo dhacday xalay fiidkii ayaa waxay dhex martay khaas ahaan boolis ilaalo u ah gobernatooraha degmada Mandheera Cali Roba iyo xarakada Al-Shabaab dabley ka tirsan. Qofka dhintay ayaa ahaa ilaalo ama waardiye.

Ninka dhintay ayaa waxaa ku dhacday xabbad habow ah asagoo ilaalinaayay dugsi hoose oo magaaladaa ku yaala.

Al-Shabaab ayaa weeraro badan ku soo qaadeysay Kenya laga soo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan xarakada Shabaab.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]