4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
Wafdigii Madaxweyne Siilaanyo oo lagu soo dhaweeyay maanta Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)

Isniin, Oktoobar 17, 2016 (HOL) — Weftigii madaxweynaha Somaliland uu Hor-kacayay ayaaa maanta Hargeysa dib ugu soo laabtay, isla markaana si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa salaam sharafeed ka qaatay cutubno ciidanka qaranka ah, Madaxweynuhu ayaa markuu xarunta madaxtooyada gaaray isagoo aan warbaahinta la hadlin uu iska hoyday.

Hase yeeshee, wasiirka xanaanadda xoolaha C/llaahi Maxamed Daahir Cukuse oo weftiga la socday ayaa afka weftiga ku hadlay, waxaanu sheegay in in ujeedadda weftiga dibadda ugu baxeen ay ahayd  Imaaraadka Carabta oo ay kala hadlayeen maalgashiyo cusub iyo xoojinta taageerayaashii xisbiga oo ay Ingiriiska ugu tageen si loo xoojiyo cududda xisbiga KULMIYE, maadaama oo doorashooyinkii dhowaan la filayo inay dalka ka dhaceen.

Cukuse oo safarka madaxweynaha ee Imaaraadka iyo Ingiriiskaba ka hadlaya waxa uu yidhi “safarkayagu waxa uu ku salaysnaa socdaan aanu ku tagnay Imaaraadka Carabta, waxaa inoo socday hawlo maalgalineed iyo mashaariiic horumarineed oo labadda dal iska kaashanayaan oo tii hore inoo dhamaatay, mashruucii dekadda Berbera ee DP Wolrd iyo Somaliland, waxaana  imika bilaabmay wada hadalo cusub oo ku saabsan dhinaca Ciidamadda iyo maalgashiga tiradda badan ee la xidhiidhi doonnaa”

C/llaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka hadlayey safarkii uu Ingiriiska ku tageen weftigii madaxweynaha waxa uu yidhi “kulmiye cuduudiisa hore jirto oo cudud labaad ku biirtay, oo ay yididiilo abuurtay baa na farxad galisay oo aan u mahad celinaya dadka Ingiriiska joogay, wadamada kale waan jeclayn in aanu soo marno laakiin wakhti intaas in la wadda maqnaato meesha nooguma jirin”.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay inay ku hawlan yihiin Shirkii Gobolada Sool iyo Buuhoodle loogu baaqay ee lagu qabanayey magaaladda Burco, waxaanu yidhi “Shir aanu ku qabanaye Burco oo aan ugu tallogalay in la mideeyo beelaha bariga,  iyo kooxihii inaga soo horjeedda wada hadaladii inoo socday ayaa iyana shir doceedyaddeedu socday”

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaan isagu ka hadal safarkiisau wuxuuu daarnaa, isla markaana markii uu soo noqday aanu cidna la hadal, waxaana afka weftiga ku hadlay wasiirka Xanaanadda Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland