4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
Dagaal ka dhacay deegaanka Muuri ee degmada Afgooye

Isniin, Oktober 17, 2016 (HOL)-Lix qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Muuri ee degmada Afgooye.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray darafyadii dagaalamayay iyo shacabka deegaankaa. Dhowr qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inay dhaawac yihiin.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dawladu ku leeyihiin deegaankaa.

Hub culus oo labada dhinac is weydaarsadeen ayaa la sheegay qaarkii inuu ku dhacay guryo dad shacab ah ay leeyihiin.

Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegay in gacan ku heynta deegaankaasi Muuri ay xarakada Al-Shabaab la wareegtay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]