4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
Doorashada Madaxweynenimada Maamulka Hir-shabeelle oo bilaabatay iyo Musharax Tanaasulay


Isniin, Oktoobar 17, 2016 (HOL) — Waxaa Goor-dhaweyd Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe - ka billaabatay Doorashada Madaxweynenimada Maamul-goboleedka Hir-shabeelle, iyadoo uu tanaasulay mid ka mid ah musharaxiintii xilkan isku soo taagay.

Doorashada Xilka Madaxweynaha, ayaa waxaa isku soo taagay illaa Saddex musharrax oo kal ahaa; Cali C/llaahi Cosoble Siyaad, Maxamed Cabdi Waare iyo Musharraxa tanaaulay oo ah; Cali Maxamed Carraale.

Sidoo kale, Doorashadan oo ka dhacaysa xarunta shirarka Jowhar, waxaa Goob-joog ka ah mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia iyo xubno ka socda maamullada ka Jira Dalka.

Waxaa Doorashada billaabatay ee Madaxweynaha ku Tartamaya; Maxamed Cabdi Waare iyo Cali C/llaahi Cosoble Siyaasd oo Gobolka Hiiraan kasoo jeeda, Waxaana lagu wadaa in marka ay dhammaato doorashada Madaxweynaha ay bilaabato Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas oo ay u taagan yihiin laba musharax oo kasoo jeeda Shabeellada Dhexe.

Musharaxiinta xilka madaxweyne ku xigeenka u tartamaya oo labo ayaa waxay kala yihiin; Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe iyo Cali Xasan Taakow.

Ugu dambeyntii, Doorashadan ka billaabatay Magaalada Jowhar iyo Natiijada kasoo baxda waxaad kula socon doontaanw wararka soo socda ee HOL… Haddii EEBBE uu oogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya