4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
Dowladda Ciraaq oo bilowday duullaan ka dhan ah kooxda Daacish ee ka talisa Mosul (SAWIRO)


Isniin, Oktoobar 17, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Wadanka Ciraaq Haider Al Abadi, ayaa shaaciyay inuu billowday Duullaanka ka dhanka ah Kooxda ISIS/DAACISH, kaasoo qorhuhu yahay in looga saaro Magaalada labaad ee ugu weyn waddankas ee Mosul.

Haider Al Abadi oo Duullaanka Saqdii dhexe ee xalay ka sheegay telefishinka Qaranka dalkiisa, wuxuuna xusay in la gaaray saacadii la sugayay, ayna soo dhawdahay guul ballaaran.

Duullaankaan oo Saakay billowday, ayaa waxaa hubka dhinacyadu adeegsanayaan Mosul, Waxaana Dagaalkan galaya ciidamada Ciraaq oo keliya, iyadoo lagu wadaa inay gudaha u galaan magaaladaas oo ay Daacish ka talinaysya in ka badan muddo laba sannadood ah.

Weriyeyaal ku sugan meel u dhaw Mosul ayaa soo sheegaya in Qabsashada magaaladaas ay horseedi doonto in Kooxda ISIS gebi ahaan looga Adkaado Waddanka Ciraaq.

Sidoo kale, ku dhawaad 300,000 oo Askari oo Ciraaqiyiin ah hawadana ay ka taageerayaan ciidammo reer galbeed ah duullaankan ka qayb-galaya, balse lama oga sida guul looga keeni karo.

Ugu dambeyn, Madaxda Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa u sheegay idaacadda BBC-da in hay’addu ay fileyso in boqolaal kun oo ruux ay ka Qaxaan Magaalada Mosul.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya