4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
26,000 oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsan oo xaqiijiyay inay doonayaan in Soomaaliya loo cesho

Isniin, Oktober 17, 2016 (HOL)-UNHCR ayaa sheegtay in 26,819 qaxootiga Dhadhaab ka tirsan ay xaqiijiyeen inay si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya ayagoon la qasbin.

Dadkaa ayaa haatan waxay sugayaan in laga caawiyo laabashada. War shalay Axadii ay heyadaasi soo saartay ayaa sheegay in ayadoo kaashaneysa dawlada Kenya la xaqiijin doono sidii qaxootigaa loo celin lahaa.

Kenya ayaa shaacisay in bisha soo socota ay xiri doonto xeryaha Dhadhaab. Dawlada Kenya ayaa sheegtay in qaxootigu ku hayo ammaan darro.

Haatan ayaa kolonyo gawaari ah oo qaadi jiray qaxootiga noqonaaya la joojiyay oo aysan qaxootiga Soomaaliya u celin intii ugu dambeysay ee la ceshana diyaarado ayaa qaaday.

Sidoo kale arimo amniga la xiriira daraadood ayaa diyaarado lagu geyn jiray garoonka Muqdisho loo joojiyay laakiin waxaa la filayaa in la fasaxo dhawaan markii ammaanku soo hagaago, sida laga soo xigtay UNHCR.

Warkaan kasoo baxay UNHCR ayaa yimid maalmo kadib markii hayada dhaqaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF ay sheegtay in badi qaxootigu aysan dooneyn in laga kaxeeyo Dhadhaab oo Soomaaliya ay aadaan.

Waxay MSF sheegtay in qaxootigu aysan ka heli doonin Soomaaliya adeegyada caafimaadka ee ay haatan ka helaan xeryaha Dhadhaab gaar ahaan kuwooda ugu muhiimsan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]