4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
Maamulka Baardheere oo amar ku bixiyay in xaasaska Al-Shabaab ay ka baxaan magaaladaa


Isniin, Oktober 17, 2016 (HOL)-Maamulka Baardheere ayaa amar ku bixiyay in xaasaska Al-Shabaab ay ka baxaan magaaladaa.

Maamulk magaaladaa ayaa sidoo kalena sheegay in loo baahan yahay in taageereyaasha kooxda Al-Shabaab ay iskood uga baxaan magaalada. Wuxuu maamulku sheegay in loo baahan yahay in dadkaasi ay magaaladaa uga baxaan si iskood ah muddo 7 maalmood ah.

Wuxuu maamulku sheegay in aysan doonayn  in ay wax u dhimaan balse ay tahay inay iskood halkaa uga huleelaan maadaama ay amni darrada qeyb ka yihiin oo ay xarakada Al-Shabaab la shaqeeyaan.

Si la mid ah sidaa ayaa maamulka Kismayo ee Jubaland dhowr jeer wuxuu ku amray haweenka u dhaxa ragga ka tirsan Al-Shabaab in ay Kismayo isaga baxaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]