4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
DAAWO: Xildhibaand laga soo doorto Waqooyi-bari Kenya oo kulan la yeelatay Jaaliyada Minnesota

Isniin, Oktoobar 17, 2016 (HOL) — Shugraan Xuseen Guure oo ah Xildhibaanad laga soo doorto Deegaanka Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari - Kenya ayaa kulan aad u balaaran oo lagu taageerayo waxqabadeedii iyo doorashaeeeda lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Xubnaha Jaaliyadda Gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa iyagu kala yimi gobolo kala duwan ,waxayna aad u daneeneyeen inay dhagaystaan waxqabadka Shugraan Gure Afartii Sano ay xilka haysay sida uu sheegay xiriiriyahii barnaamijkaas Ibrahim Baraaki.

Kulankan oo ay ka hadleen qaybaha kala duwan ee bulshada Minnesota ayay dhamaantood waxay qireen waqbadkii Shugraan Gure iyo dadaaladii ay u soo gashay arimo dhawra iyo ka soo muuqashadeedii xildhibaanka Barlamaanka Afrika ay u madasho dalka Kenya.

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif Imaamka masjidka darul hijra ayaa aad uga hadlay kaalinta Haweenka iyo ka mid ahaansha Siyaasadda, Waxuuna Tusaalooyin u soo qaatay Sheekhu labadii Qiso ee fircoon iyo middii Balqiisa, ugu dambayntii waxuu ka hadlay uuna taageeray in dumarka ay hore u socdaan diintuna ka rabayn ka muuqashada Siyaasada.

Kiman Ugaas oo iyaduna u sharaxneed Xilka ay Shugraan hada hayso Sannadka 2017-ka ayaa habeenimadii xalay cadaysay in ay ka hartay tartanka,  Haddana ay Taageerayso Shugraan Guure.Shugraan ayaa iyaduna ka hadashay Xaflada una mahadnaqday dadkii ka soo qaybgalay iyo kuwii soo agaasimay kulanka qiimaha leh, kaddib waxay ka warbixisay waxyaabihii at qabtay.

Dhanka kale, Shugraan Guure waxay tiri kursiga aan ku fadhiyo waxa uu ku yimi sharcigii la ogolaaday 2010kii oo dhigaayay in 30% baarlamanka ay haween noqdaan, intaa kadib waxaan ka mid ahay  Guddiyada kala duwan ee baarlaanka sida gudiga Miisaaniyadda Dalka Kenya, Kuwa arimaha haweenka, waxaana ku jiraa baarlaanka afrika oo xaruntiisu tahay dalka koonfur Africa , doodaha aan ka qaybgalona waa kuwo aan u matalaayo dadkii aniga i soo doortay, iyagaana u shaqeeyaa arimahooda iyo baahidooda.

Khudbadii Shugraan oo aad u dheereed ayeey taabanaysay dhinacyo badan, sida horemarka Waxbarashada  Caafimaadka Taakulaynta Qoxootiga iyo Siyaasada dalalka Dariska Kenya la ah.

Ugu dambeyn, Waxaa xafladda lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan waxaana halkaa heeso qiiro leh ka qaadayay Fanaanka Dalmar Yare, iyadoo dhinaca Buraanburkana ay ka muuqatay suugaanyahanada Shamso Maxamed .

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota