4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
GALMUDUG: Beesha Caalamku Xaq uma lahan inay tiraahdo liiska ka saara Muwaadin la doortay


Isniin, Oktoobar 17, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ka jawaabayay hadalkii beesha calaamka ee ahaa inaan liiska xubnaha Aqalka Sare lagu soo darin shaqsiyaad taariikh ku leh colaado iyo dambiyo, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan xaq u laayn inay yiraahdaan liiska ha laga saaro Muwaadin Soomaaliyeed oo lasoo doortay.

Cali Ccasir, ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed l dooran doono isla markaana uu wax dooran karo, sidaas awgeedna aysan Beesha Caalamku u lahayn xaq inay yiraahdaan liiska ka saaro shaqsi kusoo baxay doorasho.

“Runtii innaga wax naga quseeya ma jirto muwaadin la doortay inaan liiska ka saarno, kaas oo weli kusoo baxay cod baarlaman. Warqadana inaan uun maqalynay mooyeen weli nama soo gaarin,” ayuu yiri Guddoomiye Casir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa QM ugu baaqay in ay tixgeliso Rabitaanka shacabka deegaannada Galmudug oo iyagu soo doortay xubnaha ay dabaldeen in liiska laga saaro.

Wakiilka QM ee Somalia, Danjire Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray 14-kii bishan Oktoobar kaga dalbadya Maamul-gobleedyada Dalka ka jira inaanay kusoo darin Liisaska xubnaha Aqalka Sare Hoggaamiyeyaal kooxeedyadii hore ee Dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Jen. Cabdi Qabdiid oo laga soo doortay Galmudug.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu dalbaday in liisaska musharraxiinta Aqalka Sare aysan ka mid noqonin xubno caan ku ah colaadaha, dambiyada iyo argagaxisonimada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya