4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2016
Saamaynta dagaalku ku yeeshay waxbarashada iyo ganacsiga Gaalkacyo

 
Isniin, Oktober 17, 2016 (HOL)-Dagaaladii dhawaan ku dhexmaraayay Puntland iyo Galmudug Gaalkacyo ayaa saamayn ballaaran ku yeeshay ganacsiga iyo waxbarashada magaaladaa.

Iskoolo badan iyo goobo ganacsi oo badan ayaa xiran wali ayadoo wali arday badan iskoolada aysan xaadirin. Macalimiinta iyo maamulada macaahiida waxbarasho ayaa wali cabsi ka qaba in dhibaatooyin kale ay dhacaan.

Dad badan ayaa wali ku barakacsan dibada magaalada oo ay u qaxeen intii dagaaladu socdeen. Halkaa ayaa waxaa ku heysta daruufo nololeed oo ba'an.

Dadka shacabka ah ee magaaladaa ayaa ka codsaday dhinacyada ay colaadu u dhaxeyso in ay xabada joojiyaan oo ay wax walba ku dhameeyaan wadahadal.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]