4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
SAWIRO: Khudbadihii Musharaxiinta Hogaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo lasoo Gunaanaday

Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) —Waxaa Caawa Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe kusoo Gunaanadmay khudbadihii musharraxiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hir-Shabeelle ay ka hor-jeedinayeen Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas, iyadoo berri oo Isniin ah lagu wado inay dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Khudbadaha Musharraxiintu ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir-u-dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Xog-hayaha Wasaardda Arrimaha Gudaha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, xildhibaannada Hir-shabeelle, Siyaasiyiin, Dad-weyne iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horreyn, Waxaa khudbad jeediyay, Musharrax Maxamed Cabdi Waare oo ka Hadlay Taariikh-nololeedkiisa iyo billowgii Shaqada Xukuumaddii Dhexe ee Somalia, gaar ahaan Wasaaradii Beeraha oo uu sheegay in shaqa badan uu kasoo qabtay, aqoon durugsanna uu u leeyahay arrimaha beeraha oo labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay caanka ku yihiin.

Sidoo kale, Musharrax Waare ayaa ka warbixiyay Waxyaabaha uu uu qaban doono haddii xilka loo doort, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono xaqiijinta Amniga, uuna dhex-dhigo doono Dib u hesheesiin shacabka Walaalaha ah ee Wada-daga, isla markaana uu odayaasha dhaqanka la kaahan doono Arrimahaas, isla markaana uu talada la wadaagi doono. Dhanka kale, wuxuu carrabka ku dhuftay inuu mudnaan siin doono dib u dhiska Waddooyinka sida Waddooyinka isku-xira Muqdisho iyo Jowhar iyo Jidka Xiriiriya Beledweyne iyo Jowhar, Cadalana uu ka dhisi doono Deked ay ka faa’iideystaan shacabka labada Gobol.

Waxaa kaloo isagana khudbad jeediyay, Musharrax Dr. Cali C/llaahi Cosoble oo ka hadlay Waxqabadkiisa, Wuxuuna sheegay in Siyaasadda uu Aqoon Durugsan u leeyahay, Wax badanna uu kasoo shaqeeyay, wuxuuna intaas ku daray in haddii la doorto uu wax ka qaban doono Arrimaha Dib u heshiisiinta iyo garsoorka, uuna ku shaqeyn doono siyaasad cad.

Dr. Cali C/llaaho Cosoble, ayaa mar uu ka hadlay tahriibka wuxuu sheegay inuusan marna ogolaan doonin in dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo la’aan darteed ugu dhammaadaan Saxaaraha, isagoo xusay in shaqo Abuur uu u sameyn doono dhallinyarada Soomaaliyeed.

Musharrax Cali Maxamed Carraale oo isagana Khudbad jeediyay, ayaa Wuxuu ka Hadlay Taariikh-nololeedkiisa iyo heerarkiisa Waxbarasho, wuxuuna xusay in haddii la doortoo uu uu wax badan ka qaban doono cadaalada amniga iyo horumarinta Dowladnimada.

Cali Maxamed Carraale oo sii hadlayay ayaa Faahfaahin ka bixiyay kheyraadka Gobollada ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan uu ALLE ku maneystay iyo sida muhiimka ay u tahay in laga wada faa’iideysto; Sida Beeraha, Xoolaha iyo kheyraadka kale ee ee ku aasan.

Ugu dambeyn, Waxaa khudbadaha soo xiray Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hir-shabeelle, Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guud-laawe) iyo Cali Xasan Taakow waxayna sheegeen inay ka shaqeyn doonaan Horumarinta Labada Gobol.

Mustafa Xuseen, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Jowhar, Shabeellada Dhexe