4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo khubado ka hor-jeedinaya Baarlamaanka

Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) — Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hir-shabeelle ayaa xiligan khubado ka hor-jeedinaya xildhibaannada baarlamaanka Hir-shabeelle,

Musharixiinta jagada madaxweynaha ayaa kala ah Cali C/llaahi Cosoble, Cali Maxmuud Caraale, Dr Max'ed Cabdi Waare, halka madaxweyne ku-xigeen u sharaxan yihiin Cali C/llaahi Xusseen Guudlle iyo Cali Xassan Taakow.

Arrintaan ayaa imaanaysa, kaddib wadda hadallo labo cisho qaatay oo lagu xaliyay khilaaf ka dhashay doorashada madaxweynaha & ku-xigeenkiisa oo siyaasiyiinta qaar sheegeen inay  faragalin ku heyso madaxtooyada Somalia.

Khudbadaha kaddib, ayaa lagu wadaa in musharraxiintu ay illaa Caawa sii waddaan olalahooda doorasho, waxaana la filayaa in maalinta berri dhacdo doorashada xilalka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Hir-shabeelle, inkastoo ay dhiici karta isbadal dhinac jadwalka ah.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa kasoo jeedda Gobolka Hiiraan, halka Musharraxiinta Xilka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kasoo jeedaan Dhanka gobolka Shabeellada Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya