4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2016
Guddiga Doorashada oo ku Ammanay Galmudug sida ay u Muujiyeen Tirada Qoondada Haweenka


Axad, Oktoobar 16, 2016 (HOL) —Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban ee Sannadkan 2016-ka ee (GFHDD), ayaa soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Galmudug, taasoo si guul leh loogu soo Doortay Siddeedii xubbood ee ku Meteli lahaa Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia, ayaa lagu sheegay war-murtiyeed at maanta soo saareen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Guddigu uu ku amaanayo Galmudug sida uu u soo buuxiyay Qoonddadii Haweenka ee Aqalka Sare, maadaama ay siddeeda xubnood ay labo ka mid ah ay yihiin haween.

Sidoo kale, Guddiga ayaa wuxuu ugu baaqay maamul-goboleedyada Puntland iyo Koofur-galbeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo Doortaan Xubnihii ku Meteli lahaa Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka.

Dhanka kale, Guddiga Doorashada Dadban (GFHDD), Wuxuu ka codsanayaa maamulka Jubbaland inuu soo buuxiyo Shuruudaha magacaabista Aqalka Sare ee Baarlamaanka inta aan la qaban Doorashada Aqalka Sare.

Maamul-goboleedka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii uGu horreeyay oo soo doortay xubaha ku meteli lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ee Dhawaan la dhisayo, iyadoo sidoo kale lagu wado in Maamulka Puntland uu toddobaadkan lagu qabto doorashada xubaha Aqalka Sare. 

Ugu dambeyn, Qoraalka Guddigaan, ayaa lagu sheegay in Guddiga Doorashadu Dadban uu hoosta ka xariiqay in illaa iyo xilligan Hannanka Doorashada 2016-ka si habsami ah uu uga socdo dalka oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya